WAXQABAD

Waxaan ugu Hambalyeyneynaa Dhamaan ummada Muslimiinta ah Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan

MAAMULKA JIMCIYATU AL-ITHAAR AL KHEYRIYAH

Caawa waa Kowda Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Sanadka (1444,) Kun Afar Boqol Afartan Iyo Afar Hijriyada, Muslimiinta Caalamka oo aan ka mid nahay waxaa u bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan waana Fursad qaali ah oo sanadkii mar soo marta Muslimiinta.

Maamulka iyo Howlwadeenada Webseydka Kheyriga ah Ee Al-Ithar.Net waxa uu,Akhristayaashiisa iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka ugu Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

Allaah SW waxaan ka baryeynaa inuu naga wada dhigo kuwii ka faa’ideysta bishan aadka u kheyrka badan kana aqbalo cibaadada.

Dadka Muslimiinta ee geeriyooday waxaan Allaah uga baryeynaa inuu u Naxariisto Janadiisana ka waraabiyo,inta xanuunsanne Allaah ha caafiyo,inta  Dhibaataysana Allaah Haka Dul-qaado Dhibataada inta Muragaysana Allah Muragada Haka saaro .

Dhinaca kale waxa uu Maamulka Webseydka alithar.net ku baraarujinayaa Muslimiinta meel kasto ay dunida ka jogaan iyo Muxsiniintuba inay caawiyaan dadka fuqarada ah ee aanay haysan waxay ku Afuri lahayeen Bishan Kheyrka Badan.

Sidoo kale Akhristayaasheena Waxaan ku wargalinaynaa Inaan Usoo Gudbin doono Daruus Ramadaanka Ku Saabsan iyo Muxaadaraad inta lagu guda jiro Bishan Kheyrka badan Ee Ramadaan Insha,Allah.

RAMADAAN MUBAARAK

MAAMULKA JIMCIYATU AL-ITHAAR AL KHEYRIYAH

 

759

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?