QORMOYINKII UGU DAMBEEYAYSAWIRROWAXQABAD

(Daawo Sawirro+Vedio) Jimciyatu Al-ithaar Alkheyriyah oo Bacoyiin Uqaybisay in kabadan 15 Qoys.

Muxsiniinta Reer London oo Bacoyiin Soo Gaarsiiyay Qoysas Danyar ah.

Dadka Muxsiniinta ah ee Ku Xiran Jimcayada Kheyriga ah ee alithar ayaa Durbadiiba kasoo Jawaabay Codsiga Walaalahena Soomaliyeed ee Fatahaada iyo Raababku ay saameyeen Kaas oo ahaa in Bacoyiin Lasoo Gaarsiiyo.

Dhowaan ayaan Baahinay Muuqalkooda Iyagoo Dalbanaya inay Helaan Bacda Roobka, Cadceeda Dhaxanta iyo Dabaysha looga Gashaanto ugu dambeynti maalinti shalay ayaan soo Gaarsiinay.

Qoysaskan ayaa Dhowaan Soo gaaray Kaam Dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho iyagoo Caruurtoda Wata waxana Beerahoda iyo Guryahooda Saameeyay Roobabkii Daadadka watay Ee Wadankeena Ka Da,ay.

Hadase Baahi weyn ayay uqabeen Bacoyiinka aadbayna ugu Farxeen waxayna Durbadiiba Bilaabeen inay saartaan.

inkastoo Qoysaskani ay ahayeen 50 Qoys Hadana Bacda Mawada Gaarto Sidaasi Darteed 20,ka Qoys ee aadka Ugu liita ayaan Uqeybinay, Sida aan ka rajenaynaa ALLAH Subxanahu watacalaa 30,ka qoys ee kale Waan soo Gaarsin Donnaa Insha,ALLAH.

Farxad Ka Timid Qalbiga ayaa Wajiyadooda Laga Dheehanayay Qoysaskan oo Bacoyiinka soo Garsiinay Malinti Shalay waxayna Uduceyeen Walalihii Usoo Gurmaday Kana Damqaday.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirro+Vedio

    

761

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?