SAWIRROWAXQABAD

(Daawo Sawirro+Video) Samafaliyaal Ku sugan Magaalada London oo Gaari Wiljer ah U iibiyay Wiil yar oo Naafo ah

Wiil yar oo Naafo ah oo Reer London ay U iibiyeen Wiljer uu Ku socda

Dhamaadka Bishii December Ee Sanadki Tagay ayaan Baahinay Muqaalka Hooyo Khadiijo oo Wiilkeeda U Codsanaysa in Gaari Wiljer ah loo iibiyo.

Codsigaas Waxaa Durbadiiba kasoo Jawaabay Dad Muxsiniin ah oo ilaahay dartii wax ulabaxaya kuwaas oo Kusugan Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska.

Muxsiniinta oo u Deg-Degaya Kheyrka & Samafalka ayaa Durbadiiba Iska soo Uruuriyay Lacago Wiilkan yar Loogu iibiyo Gaari Wiljer ah oo Tuunji leh Kaas oo Baahi weyn ay uqabeen Markii Hore.

Wiilka yar ee Mudada 10,ka Sano Xanuunsan ayaa Markii Hore waxaa loo Xiri jiray Xafaayad uu ku saxaroodo sida Hooyo Khadiijo ay inoo sheegtay Balse arintaas Meesha waa ay kabaxday Iminka Maadaama uu Helay Wiljer uu kusocda Marna Saxarada looga meero.

Farxada Hooyadan iyo Wiilkeeda Waxaa ka Dambeeyay ilaahay kasakow Walaalo Muxsiniin ah oo Ilaahay dartii u Caawiya Dadka Masaakiinta ah ee Dhibaataysan.

Jimciyatu Alithaar Alkheyriyah oo ah Hay,ad Madax Banaan oo Daryeesha Agoonta & Masaakiinta ayaa Bilihii ugu Dambeeyay Waxay Jimciyadu sii Laba Jibaartay Howlaheeda Samafalka ah waxaana ugu dambeysay oo ay Hay,adu qabatay wareejinta 3,813.6 oo ahayd lacagta Biyaha, Bac qeybin Qoysas Barakacayaal ah & Hada oo Wiljer aan ugaynay Hooyo Afgooye Kusugan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Video + Sawirro

1780

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?