SAWIRROWAXQABAD

(Sawirro) Deeq Raashiin ah oo la Gaarsiiyay 9 Caruur oo Agoomo ah

Dad Muxsiniin ah oo kunool wadanka Canada ayaa Deeq kakooban Bur-Bariis-Sonkor-iyo Saliid soo gaarsiiyay Caruur Agoomo ah oo gaaraya ilaa 9 caruur.

Hooyada Dhashay Caruurtan oo Naafo ah ayaa la daalaadhacaysa Nolasha 9,ka caruur ee agoonta ah.

Mahaystaan Waxbarasho, Nolal qurxoon iyo Hoy, ama Guri Wanaagsan intaas waxaa usii dheer Xaga Nolasha Daruuriga ah Sida Cunada oo Mar ay helaan inta badana ay waayaan.

Aabaha Dhalay Caruurtan ayaa Ku Geeriyoday Isla Kaamka ay hada Caruura deganyihiin Duleedka Muqdisho Mudo shan-Bilood kahor.

Hada waxay ubaahanyihin Caawinaad Joogto ah hadii la awoodo iyo ka warqab sababtoo ah waa caruur aabahood waayay hadana aanay helin daryeel wanaagsan.

Arintan waxaa ka damqaday walaalo Muxsiniin ah oo canada kusugan kuwaas oo Muraadleh kana farxiyay agoonta.

Marar badan ayaa sidan oo kale Jimciyada kheriga ah ee al-Ithaar waxay u caawisay Caruur agoomo ah iyo danyar waana Sababta loo aas-aasay Jimciyada ayna utaagantahay.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO+VEDIO

 

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?