WAXQABAD

Maxaad ka Og-tahay Fadliga habeenka kan ee Caawa 15-ka Bisha Shacbaan?

Caawa waa habeenka kala Bara bisha Shacbaan Taariiqda hijriguna waxay ku beegan tahay 15-08-1443 Laga bilaabo salaadda Maqrib illaa iyo salaadda Subax inta laga gaadhayo wuxuu ALLAH, soo dajiyaa Raxmad waxa uuna danbi-dhaaf Ballaaran u sameeya adoomadiisa.

Rasuulkeena scw wuxuu yidhi “ALLAH addoomadiisa inta uu daalacdo habeenka 15 ka Shacbaan ayuu u wada danbi dhaafaa illaa laba qof mooyaane;

1- Qof ILLAAHEY cibaadadiisa cid kale la wadaajiyo

2- Qof cuqdad iyo xumaan caloosha ugu hayo qof kale oo walaalkii ah

Qofkii qof kale qalbiga wax ugu hayayoow, caawa iska cafi.

Aynu is cafino walaalayaal cafis iyo saamax.

ILLAAHEY kuwii uu u dambi dhaafo ha innaga yeelo dhammaanteen.

Aamiin Aamiin Yaa ALLAH.

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?