SAWIRROWAXQABAD

(Sawirro+vedio)Teamka ONE BROTHERHOOD FC oo Gurmad Deg Deg ah Gaarsiiyay Barakacayaal

One-Brotherhood Football-Club  waa Team Ciyaartoy ah oo Ka Dhisan Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska, waa Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isxilqaamay iskoodana isku abaabulay si garab-istaag iyo walaalnimo ay ugu Muujiyaan dadkii abaarta darteed deeganadooda uga soo kacey.

Lacag ay iskaso Uruuriyeen Dhalinyaradan Muxsiniinta ah Ee Ku Mideysan Magaca One-Brotherhood ayay ku wareejiyen Maamulka Jimciyada Kheyriga ah Ee Al-Ithaar Ee Magaalada London Si ay ugu Tabarucaan Walalahooda Dhibaataysan Ee Xoolahoda ku waayay Abaarti ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya.

in kabadan 600 Boqol oo qoys oo aanay horay u haysan Biyo ayaa Hada helay Biyo ku filan oo Lacag la,aan ah Kadib markii loo sameeyay Biyo-Galin Mudo dhoor-Bilood ah.

Qoysaskan oo Nolasha Biyaha ay aad ugu adkeed Markii hore ayaa hada ku farxay Garabka iyo Gurmadka Bani,adamnimo oo ay ka heleen walalahooda Samafaliyasha ah Ee (One-Brotherhood Fc)

Marka laga Yimaado Qoysaski horay udagnaa Kaamka, Waxaa kaloo Jira Sida Sawirrda aad ka aragtaan, Kuwa kale oo Horleh oo Xirada ku furtay kuwaas oo anay Baad iyo Bac Midna haysan Islamarkana Macluul daran ay ka muuqato,

Sikastaba Ha,ahatee Jimciyada Kheyriga ah Ee Al-Ithaar Foundation oo ah Hay,ad Madaxbanaan oo Daryeesha Agoonta iyo Danyarta ayaa Todobadyadii ugu dambeyay waxay sii laba Jibaartay Jimciyadu Howlaheda Samafalka ah.

Iskusoo wadaduboo Biyo-galinta iminka Teamka One-Brotherhood Fc ay usameyeen qoysaskan Barakacayasha ah ayaa kusoo aadaysa Xili Boqolal qoys oo ku jiro xeryaha Barakacayasha ay haystaan dhibatoyiin kala Duwan haba ugu darnatee dhanka Cuntada & Biyaha.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirro+vedio

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?