QORMOYINKII UGU DAMBEEYAYWAXQABAD

Muxsininta Reer London oo Bishii 2,aad Lacagta Biyaha Ka Bixiyay Qoysas Danyar ah

(Qoysaska Danyarta) Waxaan Ka Mahad Celinaynaa Mudada Biyaha oo Nalo kordhiyay

Walaalo Muxsiniinta oo kunool Cariga Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska ayaa Bishii 3,aad waxay Biyo Siinayaan Ku dhowaad Kun qoys oo Danyar ah Kuwaas oo Kunool Xeroyinka Barakacayasha Ee ku Teedsan Duleedka Magaalada Muqdisho.

Lacag Dhan $450 Dollar ayaan Ku Wareejinay Gudiga Kaamka Taas oo ah Lacagta Biyaha Bishii Tagtay Ee october. Waxaana Qoysaskan Hada Ubilowatay Bishii Sadaxaad Iyagoona Ka Mahad Celiyay Gurmadka ay ka heleen Walalahoda Muxsininta ah Ee ku dhaqan London.

Kaamkan oo hada Jimciyaha Kheyriga ah Ee Al-Ithaar ay Biyaha siinayso waxaa Kunool Dad isugu Jira Curyaamo Agoomo Waayeelo Naafo iyo Dad Araga,La waxana ay shegeen in Markoodii hore Dhibweyn uu ka haystay Biyaha Balse Iminka Dhibatadaas waa ay ka Baxeen Sida ay shegeen.

Muxsiniinta ku Mideysan Al-Ithaar Foundatrion Kuna sugan London ayaa Marar Badan Gurmad Isugu jira Bocoyiin Raashiin Biyo Dhar iyo agab kale Waxay horay usoo Gaarsiiyen Boqolal qoys oo Danyar ah Kuwaas oo Daruufo kala duwan ku haysata Kaamamka Barakacayasha Ee Kuyaala Duleedka Xamar.

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?