MUXAADAROWAXQABAD

(Xasuusin) Aan kawada Faa’ideysano Soonka Maalinta Cashuura ee 10-ka bisha Muxarram

Cashuura waa maalinkii nabi Muuse iyo intii raacday Alle SWT, ka nabad geliyey Fircoon iyo colkiisii. Reer bani Israa’iil waxa u dhaqan ahaa in ay soon ku weyneeyaan maalintaa. Rasuulku waxa uu sheegay inaan innagu uga dhawnahay nabi Muuse Qolooyinka Faraacinada
waxa sunne ah in maalintaas uu rasuulku scw jecleystay inuu soomo Malinta 9aad si uu u khilaafo yahuudo, Maalinta 10aad ee iyadu fadligaa gaarka ah wadata.
🌙Goorta ay ku aadan tahay:
Maalimka Caashuraa ee 10-ka bisha Muxarram waxay ku beegan tahay: 8-08-2022.
⭐️Sidee loo Soomi karaa?
Saddax qaab baa loo soomi karaa:
1️⃣ Kow: in aad is raacisid 9-aad iyo 10-aad, taasi waxay la macnahatay in aad soontid 7/08/2022 iyo 8/08/2022 Axada Iyo Isniinta. Waa qaabka ugu fiican oo waa siduu Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam damacsanaa. Lakiin ilaahay baa oofsaday inta uusan sanadkii kale gaadhin.
2️⃣ Labo: waxaad soomi kartaa maalinka 10-aad oo kaliya oo ah maalinka ugu muhiimsan ee ajarka weyn leh waana maalinka ku aadan 8/08/2020 Isniinta.
3️⃣ Saddax: waxaad soomi kartaa maalinka 10-aad iyo 11-aad, taas oo macnaheedu yahay in aad soontid 8/08/2022 iyo 9/08/2020 isniinta iyo Salaasada.
🤦🏽Dadka cudurdaarka leh,
waxay haystaan fursado badan, oo ay qofka sooman kala mid yihiin, badiya xuska Allaah, Quraan Akhriska, duco, sadaqo iyo wixii khayr ah ku dadaala.
Sii Xasuusu Walalkaa oo Hel Ajarkiisa Oo kale.

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?