WAXQABAD

(Sawirro) Alithaar Foundation oo Biyo Galin Usameysay 700 Boqol qoys oo Barakacayal ah.

Biya galinta qoysaskan ayaa Ka Dambeysay Kagadal Markii ay Si aad ah Uga Cawdeen Biyo-la,aan soo Foodsartay Taas oo Nolashooda saameyn ku yeelatay.

Dulucda Warka Ma.ahan in Muqdisho iyo Hareeraheda Biyo Laga Waayay Balse kunkii ay ku iibsan lahayeen ayay waayen qoysaskan qaarkood sida ay ino sheegeen.

Bulshada Kunool Xeroyiinka Barakacayasha ayaa ah kuwa garab-rarato ah oo mar hela marna waaya Waxaasa mararka qaar dhacda inay waayaan kunka shilin ee la iibiyo Jirgaanka Biyaha.

Kaamka aynu Biya-galinta usameynay waxaa Kunool 700 Boqol oo qoys waxayna Isugu Jiraan Dad Waayeelo ah Qaar Camoola ah. Hoyoyiin Haysta Caruur Agoomo ah ,iyo Curyaamo.

Sida Waayelada Curyaamada iyo Kuwa Jirgaanka Biyaha aan qaadi Karin Waxaan si qaas ugu diyaarinay Team Caawiya oo Jirgaamada Uqaada.

Samafalayaal ku sugan Wadanka ingiriiska ayaa Gurmad kakooban Hiil iyo Hoo ku caawiyay Walalahoda Dhibaataysan Waxaana ay Balanqadeen In Bil-waliba ay iyagu Bixinayaan Lacagta Biyaha ay cabayaan qoysas danyar ah Ee kaamka dagan.

Hadalka Ku Dheehan Naxriista iyo damqashada Xumbaarsana Natiijada Wanaagsan Ee kasoo yeeray Muxsininta wuxuu farxad galiyay Rajo Wanagsana ku abuuray Boqolal qoys oo xerada kunool kuwaas oo haystay wal-wal Dhanka Biyaha ah.

Markii Hore Biyo ayaan dhib uqabnay Balse Maanta wan kabaxnay Faxad ayay Tiri Hooyo Ka mid ah qoysaska Biyo-galinta loo sameyay.

Sikastaba Ha,ahatee alithaar Foundation oo ah jimciyad kheyri ah oo Madaxbanan ayaa Ka Hoolgasha Konfurta iyo Bartamaha Dalka Somaliya waxayna u adeegtaa Bulshada Somaiyeed  Ku woodii gaajaysan ama Dhibaataysan Si Gaar ah Agoomaha.

dabayaqadii sanadkii Tagay ayay ahayd markii 1000 Kun qoys oo danyar ah Biyo galin sidan oo kale ugu sameenay Duleedka magaalada Muqdisho.

DAAWO SAWIRRADA

 

 

 

 

 

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?