SAWIRROWAXQABAD

(Dhageysi+Sawirro) Walaal Ka Mid ah Muxsininta London oo Sakaatul-Fidriga Soo Garsiiyay Qoysas Sabool ah.

Qofka Muslimka ahi marka uu dhammeeyo soonka Ramadaan, waxaa laga rabaa in uu bixiyo sakaatul fidri, haddii uu awoodo.

Awooddaasi ma aha in uu hodan ahaado, ee waa in uu haysto wax dheeraad ka ah masruufka naftiisa iyo ehelkiisa maalinka ciidda ah.

Sakaatul fidriga waxaa laga rabaa dadka oo dhan: rag iyo dumar, ilmo iyo qof weyn ba. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam– waxa uu sheegay in ay qofka soonkiisii ka daahirinayso gefkii iyo dhacdhicii intii uu soomanaa, dhanka kalena ay masaakiinta u tahay cunto.

Fidradu waxa ay waajib noqonaysaa qorraxdu marka ay dhacdo maalinta Ramadaanka ugu dambaysa, waxaana la bixin karaa ilaa inta salaadda ciidda laga aadayo. Salaadda haddii la tukadana, wakhtigeedii wuu dhammaaday waxa ayna iska noqonaysaa sadaqo caadi ah.

Dhinaca Kale Walal Ka Mid ah Muxsiniinta Reer London oo Lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Cadani ayaa Nasoo Gaarsiiyay Lacag Cadadkedu Dhanyahay $118.9 Sinti  Taas oo ugu dambeynti aan ku Iibinay  Raashiin Si aynu Masaakiinta Ugu Qeybino Sakaatul-Fidriga.

Ilaa 6 Qoys oo Sabool ah ayaa Ku wareejinay Sakaatul-Fidriga oo uu Inoo soo wakiishay Walalkena Cabdiraxmaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Kana Dhageyso Qoysaska Gudoomay Fidrada.

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?