WAXQABAD

Dhalinyaro Somaliyeed oo Muxsiniin ah oo Maalintii 14,aad Biyo Udhaaminaya Qoysas Danyar ah.

In kabadan 600 Boqol oo qoys oo Danyar ah islamarkaana Dagan Xeroyiinka Barakacayasha Ee ku Teedsan Duleedka Xamar ayaa loo sameeyay Biyo-Galin.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Muxsiniin ah oo London ku sugan ayaa qoysaskan Usameeyay Biyo-galin Tasoo iminka socoto Mudo labo Todobaad ah.

Dadyow kala duwan ayaa kaamka kunool- Qaar ayaa indhoola ah, kuwa ayaa jiis ah, Agoomo waayeelo Garoobo iyo Dad kale oo baahiyo gaar ah qaba.

Qoysaskan markii hore Biyaha meelo fog fog ayay ka doonan jireen, mararka qaarna waxaa dhacda inay heli wayaan lacagtii ay ku iibsan lahaayen biyaha. Balse hada Dhibatadaas waa ay ka baxeen oo waxaa loo hirgaliyay Tuboyiin ay biyaha ka cabaan waliba si lacag la,aan ah.

Bulshadan oo Baahiweyn uqabay Biyaha ayaa ka mahad celiyay Gurmadka iyo garabka Hiilada ah oo ay ka heleen walalahoda Soomaliyeed ee ku sugan Magaalada London Dalka Ingiriiska.

Waan ku Dukanaa, Caruurta ayaan ugu qubaysanaa dharka ayaan ku dhaqanaa waxwaliba ayaan ku qabsanaa kheyr Allah hasiiyo Wiilasheena Somaliyeed ayay Tiri Hooyo Sulayqo Maxamuud.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?