SAWIRROWAXQABAD

(Sawiiro+warbixin)Hooyo Muxsinad ah oo Canada Kunool oo Deeq Raashiin ah Garsiisay Qoysas Danyar ah

Hooyo Deeqo oo kamid ah dadka kheyrka iyo samafalka jecel kuna nool wadanka Canada ayaa Maanta oo Arbaco ahayd waxay deeq kakoobned Bur-Bariis Sonkor- iyo Saliid gaarsisay Qoysas Danyar ah oo kunool mid kamid ah xiroyinka Barakacayasha ee ku yaala Duleedka magaalada Muqdisho.

Qoysaskan oo aad ugu baahna Rashiinka ayaa uduceeyay Hooyo Deeqo waxayna ALLAH uga baryeen inuu Muraadkeeda usahlo Caafimaadna uu Alle siiyo.

Anaga iyo Carurteena waan gaajesnen markan aragnay deeqda Rashiinka ah wanku faraxnay siday hooyo deeqo noga farxisay Allah iyadana Ha uga farxiyo waa Erayada ay ku Dhawaqeyen Qoysaskani.

Sikastaba Ha,ahatee Hooyadan Muxsinada ah ayaa marar badan waxay deeq kala duwan soo garsiisay qoysaskan kunool xiroyinka barakacayasha dhowaan ayay ahayd markii deeq lacageed ay soo gaarsisay Danyar ay nolashu ku adagtahay.

Halkaan Hoose ka Daaawo Sawirrada

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?