WAXQABAD

(Sawirro+Vedio) 8,Caruur oo Agoon ah & Hooyadooda oo La kafaala Qaday.

Walaal Ka Mid ah Muxsininta Reer London Ayaa Kafaala Qaaday 8,Caruur oo Agoon ah & Hooyadooda May 2022.

Mid Kamid ah Samafalayasha Ku Nool Magaalada London Ee Dalka Ingariska ayaa Dusha Saartay Masuliyada 8,Caruur oo Agoon ah Kuwaas oo Ku Jiray Nolal Aad U liidatay.

Muqaal aynu Ku Baahinay Baraheena Bulshada Isla Bishan May Kaas oo Ka Turjumaya Nolasha Carurtaas ayuu Si Dhaqsi Leh Kaga soo Jawaabay Samafalaha Wuxuna Dusha Uritay Masuliyada Agoonta.

Hooyo Aamino oo Dhashay 8,da Caruur Ee Agoonta ah ayaa Loo Balanqaday In Loo Hirgalinayo Goob Ganacsi Ama Dukaan Agabkiisa Udhamestiranyahay Si ay Ugu Maarayso Nolasha Caruurteda, Waxbarashadoda iyo Caafimadkoda Intaba.

16,ka Isla Bishan aynu Ku Jirno Ee May Sadax Kamid ah Caruurta Agoonta iyo Hooyadoda oo Xanunsanaa ayaan Geenay Isbitaal Si Loo Daweeyo, Qarasha Ku Baxay Guud,ahaan Caafimadkodana Waxaa Bixiyay Walaalka Muxsinka ah.

Sidoo Kale Waxaa Jirtay Lacag Dhan $120 oo Nagula soo Dhiibay Agoonta Waxana Lacagtaas Ku Wareejinay Hooyada Dhashay Caruurta Agoonta.

Jimciyada Kheyriga ah Ee Alithaar Foundation oo ah Hay,ad Samafal oo Madaxbanaan ayaa Had iyo Jeer Waxay Utaagantahay Caawinta Agoonta Iyo Dadka Danyarta ah.

Marka Laga Yimaado Qoyskan Lakafaala-Qaday Waxaa Kaloo Jira Qoysas Kale oo Ku Dhaqan Gobolada Dalka Kuwaas oo alithaar Loo soo Marsiiyo Bil-Waliba Lacago Joogta ah.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirrada Farxada Agoonta.

 

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?