SAWIRROWAXQABAD

Maamulka Al-Ithaar Foundation Oo Muslimiinta Ugu Hambaleynaya Bilashada Bisha Ramadaan.

Maamulka iyo Howlwadeenada Al-Ithaar Foundation  ayaa Umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo uu joogo waxay ugu hambalyenayaan bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa Caawa inoo Bilaabantay Bishii Barakada,Xasanaadka iyo Fadliga badnayd ee Ramadaan, Waa Bil Cibaado Waa Bil Koobsatay Nimcooyin uu allaha abuuray adduunku u gaar yeelay dadkiisa Muslimiinta ah ee adeecidiisa ajiibay.

Waxaan Alle ka baryeynaa inaan noqono dad ka faa’ideysta fadaa’isha iyo kheyraatka ku jira bishan oo aan lasoo koobi karin.

Maamulku, wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in qof weliba uu ka warqabo dadka danyarta ah ee masaakiinta ah, kuwaas oo aan qaarkood heli karin Afurka iyo waxyaabaha lamidka ah.

Waa in Xil la iska saaraa ka fogaanshaha wax kasta oo kaa Nusqaamin kara Soonkaga Sidoo kale Waa in lagu dadaalaa oogida cibaadada iyadoo markasta alle ka cabsigu inoo yahay xayndaabka aynu ku jirno.

RAMADAAN KARIIM MAAMULKA AL-ITHAAR

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?